Commons:Afeef Guud
WIKIMEDIA COMMONS MA DAMMAANAD QAADAYSO SAXNIMADA
Wikimedia Commons waxaa martigelisa Wikimedia Foundation Inc., oo ka diiwaangashan Waaxda Arrimaha Gobolka ee Florida, Qaybta Shirkadaha lambarka N03000005323. Wikimedia Foundation waa aasaas sharci ahaan uga diiwaangashan gobolka Florida ee dalka Maraykanka. Magaca iyo cinwaanka ee Xafiiska Xuquuqda Daabacaadda ee Maraykanka ee Washington, D.C., ee wakiilka loo magacaabay inuu helo ogeysiisyada sheegaya xadgudubka xuquuqda daabacaadda ee Wikimedia Foundation waa:
- Stephen LaPorte, Designated Agent
- Wikimedia Foundation
- c/o CT Corporation System
- 330 N Brand Blvd
- Glendale, CA 91203-2336
- Phone: +1 (415) 839-6885
- Facsimile number: +1 (415) 882-0495
- Email: legal
wikimedia.org
Su'aalaha iyo codsiyada wareysiyada, waxaad si aan rasmi ahayn ula xiriiri kartaa ka qaybqaatayaasha firfircoon ee Wikimedia Commons; eeg Commons:Contact us.
Ku saabsan Wikimedia Commons
Wikimedia Commons waa kayd warbaahineed oo internetka ku yaal, lehna nuxur furan. Waa urur ay si iskood ah uga qayb qaataan shakhsiyaad iyo kooxo horumarinaya kayd guud oo lagu ururiyo noocyo kala duwan oo warbaahin ah. Qaab-dhismeedkiisu wuxuu u oggolaanayaa qof kasta oo haysta xiriir internet iyo barowsar uu ku galo Shabakadda Caalamiga ah in uu wax ka beddelo nuxurka halkan ku jira. Sidaas darteed, fadlan ogow in waxyaabaha halkan ku jira aanay khasab ahayn in ay dib u eegeen khubaro leh aqoonta iyo xirfadda lagama maarmaanka u ah inay ku siiyaan macluumaad dhammaystiran, sax ah ama lagu kalsoonaan karo.
Taas macnaheedu ma aha inaadan ka heli doonin macluumaad qiimo leh oo sax ah Wikimedia Commons; hase yeeshee, fadlan ogow in Wikimedia Commons aanu sinaba u dammaanad qaadi karin saxnaanta macluumaadka halkan laga helo. Waxaa laga yaabaa in macluumaadkaas dhowaan la beddelay, la kharribay ama wax laga beddelay qof aan aragtidiisu waafaqsanayn aqoonta laga hayo qaybta gaarka ah ee aad doonayso inaad wax ka barato.
Mas'uuliyadda
Midkoodna qorayaasha, ka qaybqaatayaasha, maalgeliyayaasha, maamulayaasha, hawlwadeennada nidaamka ama cid kasta oo kale oo si uun ula xiriirta Wikimedia Commons mas'uul kama noqon karto soo bixitaanka macluumaad kasta oo aan sax ahayn ama sumcad dil ah, ama sida aad u isticmaasho macluumaadka ku jira bogaggan internetka ama kuwa bogaggani xiriirinayaan.
Shuruudaha isticmaalka
Fadlan hubi inaad fahantay in macluumaadka halkan lagu bixiyo uu yahay mid si xor ah loo heli karo, isla markaana aanu jirin wax heshiis ama qandaraas ah oo dhexmaraya adiga iyo milkiilayaasha ama isticmaalayaasha boggan, milkiilayaasha adeegayaasha uu ku kaydsan yahay, ka qaybqaatayaasha gaarka ah ee Wikimedia Commons, maamulayaasha mashruuca, maamulayaasha nidaamka ama cid kasta oo kale oo si uun ula xiriirta mashruucan ama mashaariicda walaalaha ah, kuwaas oo aad si toos ah ugu gudbin karto sheegashooyinkaaga. Waxaa lagu siinayaa ruqsad xaddidan oo aad wax kasta oo ku jira boggan ku koobiyeeyn karto; tani ma abuurayso mana tilmaamayso wax mas'uuliyad qandaraas ku salaysan ama mid ka baxsan qandaraas oo saaran Wikimedia Commons ama wakiilladeeda, xubnaheeda, qabanqaabiyayaasheeda ama isticmaalayaasheeda kale.
Astaamo ganacsi, calaamado adeeg, calaamado wadareed, xuquuqda naqshadaynta, xuquuqda shakhsiyadda ama xuquuq kasta oo la mid ah oo lagu xusay, lagu isticmaalay ama laga soo xigtay Wikimedia Commons waxay hanti u yihiin milkiilayaashooda. Isticmaalkooda halkan macnaheedu ma aha inaad u adeegsan karto ujeeddo kale oo aan ahayn isla ujeeddada ama ujeeddo la mid ah oo xog-bixineed, sida ay ugu talagaleen qorayaashii asalka ahaa ee warbaahintan Wikimedia Commons, iyadoo la raacayo nidaamka shatiga ee la cayimay. Haddii aan si kale loo sheegin, Wikimedia Commons iyo bogagga Wikimedia midkoodna ma taageeraan mana xidhiidh la laha milkiilayaasha xuquuqahan, sidaas darteed Wikimedia Commons ma bixin karto wax xuquuq ah oo lagu isticmaalo agab kasta oo si kale loo ilaaliyo. Isticmaalkaaga hanti kasta oo aan la taaban karin oo noocaas ah ama la midka ah wuxuu ku dhacayaa khatartaada gaarka ah.
Fadlan ogow in macluumaadka halkan laga helo laga yaabo inuu ka hor imanayo shuruucda dalka ama awoodda sharciyeed ee aad ka daawanayso macluumaadkan. Wikimedia Commons ma dhiirrigeliso ku xadgudubka shuruucda, hase yeeshee, maadaama macluumaadkani ku kaydsan yahay adeegayaal ku yaalla Maraykanka, waxaa loo ilaaliyaa iyadoo la tixraacayo xuquuqaha uu qof walba siinayo Dastuurka Maraykanka, gaar ahaan Wax-ka-beddelka Koowaad, iyo mabaadi'da ku xusan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.
Shuruucda dalkaagu waxa laga yaabaa inaanay ilaalin xorriyadda hadalka si la mid ah shuruucda Maraykanka ama mabaadi'da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay. Sidaas darteed, Wikimedia Commons mas'uul kama noqon karto xadgudub kasta oo suurtagal ah oo ka dhan ah shuruucdaas haddii aad xiriiriso boggan ama aad si kasta u isticmaasho macluumaadka ku jira.
- Wikimedia Commons si joogto ah looguma sameeyo dib u eegis ay khubaro isku fac ahi sameeyaan; inkasta oo akhristayaashu sixi karaan khaladaadka ama ka saari karaan talooyinka khaldan, haddana waajib sharci ah kuma saarna inay sidaas sameeyaan. Sidaas darteed, dhammaan macluumaadka halkan lagu arko ma laha wax dammaanad ah, si toos ah ama si dadban, oo ku saabsan ku habboonaantiisa ujeeddo ama adeegsi kasta.
Wax magdhow ah oo ka dhasha cawaaqibka isticmaalka lagama dalban karo Wikimedia Commons, maadaama uu yahay urur ay si iskood ah uga qayb qaataan shakhsiyaad si xor ah u horumariya agab waxbarasho, dhaqan iyo macluumaad oo kala duwan, kuna jira internetka, isla markaana leh il furan. Macluumaadkan waxaa lagu siinayaa si bilaash ah, mana jiro wax heshiis ah oo adiga iyo Wikimedia Commons idinka dhexeeya oo ku saabsan isticmaalkaaga ama wax ka beddelka macluumaadkan, marka laga reebo Shatiga Creative Commons ee Sifaynta iyo Wadaagista Isku Shuruudaha 4.0 Caalami (CC BY-SA) iyo Shatiga Dukumentiyada Xorta ah ee GNU (ama shati kasta oo kale oo khuseeya faylal gaar ah). Sidoo kale, cid kasta oo ka tirsan Wikimedia Commons mas'uul kama aha haddii qof wax ka beddelo, wax ka saxo ama tirtiro macluumaad kasta oo aad ku daabacdo Wikimedia Commons ama mid ka mid ah mashaariicda la xiriira.
Waad ku mahadsan tahay waqtiga aad ku bixisay akhrinta boggan, waxaana kuu rajaynaynaa inaad ku raaxaysato isticmaalka Wikimedia Commons.